LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

Anxiety disorder

 

Xanuunka Walaaca (Anxiety disorder)

Xanuunka Walaaca  ama (Anxiety disorder) waa mid kamid ah koox xanuun maskaxeed ah (mental illnesses) oo uu dareemo qofka walwal cabsi xad ka bax ah taas oo carqalad ku sameyn karto nolal maalmeedkiisa

Waxaa jira siyaabo badan oo uu qofku isugu arki karo walwalka, waxaana kamid ah :

1 walaac guud: (generalized anxiety disorder)

2:  walaac ah ku dhaxjirka bulshada (Social anxiety disorder)

3: walaaca kala taga (separation anxiety disorder)

4: walaaca waswaaska (obsessive compulsory disorder)

Halkaan waxaan kusoo gudbinaynaa faahfaahinta  qaar ka mid ah noocyada walaaca:

Walaac Guud (Generalized anxiety disorder)

Walaac Guud ama  (Generalized anxiety disorder) wa inuu dareemo qofka walwal ama walaac xad dhaaf  ayadoo marka aysan jirin sabab cad oo walwalkaas keenaya.

Walaaca waxey ka imaan kartaa laba ama wax ka badan sida walaac ah goobaha waxbarashada, shaqada,  kulanka qoysaska , arimaha dhaqaalaha iyo waxyaabo badan ookale.

Calaamadihiisa waxaa kamida: xanaaq badan, dagnaasho la’aan, cabsi joogta ah, hurdo la’aan,

 

Waswaaska (Obsessive compulsory disorder)

waswaaska ama wxa loo yaqaano OCD waa cudurada ugu khatarsan ee xanuunada maskaxda sababa wuxuu saameyo rag iyo dumarba, wuxuna so biloowda caruurnimada,

Waswaasku ama obsessive compulsory disorder macna ahaantisa wa labo wa obsession oo ah in ay kugu soo laabta fikrada qaldan ama aadan rabin xakamaynteeduna kugu adkaan karto, si aad isaga yareeso walwalkaas ama fikradaha qaldan e kugu soo laalabanayo

Tusaale ahaan in marka aad guriga ka baxdid ood xirtid inad kuso laabatid oo mar labaad soo hubisid wa xaalaad caadiya laakiin inaad laba iyo waxkabdan kuso laabatid oo aad ka walwashid inbadan inad so xirin waxay noqon karkataa waswaas.

Xanuunka waswaaska si guud waxaa soo hoos gali mkaran qaybahaanP:

·        Waswaaska jeermiska (CONTAMINATION) oo ah in qofka uu cabsi joogto ah ka qabo  jeermisku inuu saameyo tusaale ahaan in uu dhaqo gacmihiisa 5tii daqiqaba mar  ama u isticmaalo jiirmisdile noocas waxa loo yaqaana jeermis dile

·        Waswaaska nidaaminta (SYMETRY and ORDERLINES) noocaan qofku wuxu six ad dhaaf ah u caadaysanayaan  kala nidaaminta agabka ku hareeraysan,  tusaale ahan in aad shey walbo booskiisa ku aadisid, in alabta nooca waaweyn hal meel saartid in buugagta ayago is dulsaaran mid hadu dheeraado aad toosid, qabashada hawlahaas iyo joogtayntooda laguma tilmaami kaaro waswaas, ee Maskaxdaadu hadday abuurto falcelin walwal iyo cabsi haddaad samayn waydo aarrimahaan kor kusoo xusnay markaaas ayay noqonaysaa xanuun ama uu waswaaska nidaaminta noqon karaa.

·        Waswaaska Hubinta  (CHECKING) inad  soo hubisid 3 iyo 4jeer in ka badan in aad daaqadaha xirty, gaaska damisey, ama  leerarka guriga adigoo huba inaad shaqadaa qabatay laakiin maskaxda waxey kusiineysa fikrada qaldan wxeyna kugu khasbaysaa inaad ficil qaadid ood soo hubisid 3jeer iyo waxkabadan .

Nooca oogu danbeeyo wxa loo yaqaabo Waswaaska fikirka  (INTRUSIVE THOUGHT) wa fikrada badan oo khaldan oo ay kusiineyso maskaxdaada tusaale ahaan inaad ka fikirtid in reerkaaga oo dhan iyo dadki aad jecleed ay kaa dhimannayaaan ama aad weyneesd hadii aad waxas sameyn weydo, naad kafikirtid caawa oo dhan inuu guriga gubanaayo madama aad iloowde inad damisid leerka ama gaaska, inaad isku aragtid qf xun oodan uqalmin dadka ku jecel sido kale aadan uqalmin shaqadaada iyo gurigaga .

 

Cabsida dagdagga ah (Panic disorder )

Cabsida dagdagga ah ama (Reccurent panic attack) wa cabsi soo booda ah uu qfka dareemo waxaa keeni karto xaalad uu qofka markaas ku suganyahy mararka  qaarna ayado wax kicinaayo jirin bay imaada

Cabsida dagdagga ah bulshada sadax meelod meel bay saameysa laakiin boqolkiba 10% unbay xaaladdaani u dhacdaa, inta badan  wuxuna saameeya wixi kaweyn da’da 25 ka, waxaana ubadan dadka uu saameyo dumarka

Calaamadihiisa waxa kamid ah : wadno garaac, dhidid badan, giriir ama jareen, Oxygenka oo qofka kuso yaraato, qofka oo ka cabsado inuu kantaroolka waayo, lablabo inuu dareemo, kabaabyo, walwal ama cabsi ah inuu dhinto.

Calaamadahaas an kaso sheekene afar kamid ah ama wx ka badan  hadi lagu arko ooy la socoto cabsi hal mar soo boodo ah waxan leenahy qofkaasi wuxuu qabaa xanuunkaan.

 Ka cabsiga Bulshada (Agorophobia and social anxiety disorder)

Agoraphobia wa dareen walwal ah uu qofka dareemayo marka uu ku sugayahy meelaha dadka isugu imaadaan sida buska ay dadka wadaagan , meelaha dadka fadhiistan , iskuulada iyo meelwalba ay bulsha bdn ku sugantahy waxeyna galin karta xaalad panic attack

Walwalka ku dhexjirka bulshada (Social anxiety disorder or socialphobia)

Waa inqof ku ka Casado dhex galka dadka kale tusaala ahaan  in ardaygu fasalka dhaxdiisa ka hadli Karin ama suaal ka jawaabi Karin, sido kle  qofka ula hadlayo inuu indhihiisa fiirin karin, in maqaayad ayago dad joogan cunto uusan dalban Karin,

Waxyaabaha qatarta ugalin kro inuu qfka xanunkan ku dhaco wxa kamid ah :

In cunuga marki uu yaraa uu laso kulmay waxyaabaha Cabsi galin kara sida in uula soo kulmay dhacdooyin badan uuku dareemay bahdilaad ama liidasho sido kle  qaylada badan oo cunuga cabsi galisa, in aanan hadalka laga dhagysan, in yaraantisi uula so kulmay xadgudub jinsi, iyo waxyaabo badan oo cabsi abuuri kara.

Walwalka waayista (Separation anxiety)

Walwalka waayista (Separation anxiety) wa nooc kamida walaaca waxaana loo yaqaana walaaca kala taga wa inuu qofka ka cabsado inu waayo ay ka tagaan ama ka dhintaan dad uu aad oogu dhagnaa oo noolashiisa muhiim u ahaa sida waalidka,walaalada ama qof uu jecelyahy oo kale waxa uuna ku dhacaa ilmaha wixi kaweyn 3sano ilaa dhalinyarnimadana wuu soo gaara.

Tusaale ahaan in marka cunuga iskuulka la geeyo ay damcaan waalidkii  inay kaso tagaan inuu aad oo dhago una ooyo  ilaa xad ah inuu xanuusado uu gaaro, wa wax normal ah inuu cunuga qaloodo biloowga waxbarashadiisa lakin inay arintaasi sii socoto Ayaan normal aheyn.

Walwalka aamuska (Selective mutism)

Wa nooc kamida walaaca oo qofka ku keento inuu hadli waayo ama hadalka ku dhago, waxaa inta badan lagu arkaa oo uuku dhacaa caruurta marka ay soo gaaran da’da waxbarashada.

Tusaala ahaan cunuga marka uu qoyskiisa la joogo wa uu sheekeyn karaa asagoon walaac iyo walwal qabin balsa marka uu iskuulka  joogo awood uma lahan inuu hadlo oo waxey ku keeneysaa walaac waxaana inta badan lala xiriiriya xishoodka.

Inta badan ilmaha marka ay weynaadan xaaladaas wey ka baxaan lkn waxaa dhacdo in qaar aysan ka bixin  oo ay ku weynaadan hadhowna isku badasho nooca loo yaqaano socialphobia

 

Waxyaabaha keena walaaca

Waxyaabaha walaaca keena waxa kamid ah: dhibaato soo gaartey xiligii caruurnimada sida in ay lasoo kulmeen khilaafka iyo kala taga waaalidka, dhaawac soo gaare mid jir ahaaned ama maskax ahaaneed,  dil looso geyste ilmaha,  sidoo kale waxyaabaha keena wxa kamid ah genetic ama inuu qofka ka dhaxlo waalidkii

 

Daaweynta walwalka

Dhamaan noocyada kala duwan walwalka ee aan soo xusnay daaweynta waxaa loo kala saara laba nooc oo kala ah dawaynta nafsiga ah iyo dawaynta caadiga ah (Psychotherapy iyo Medication)

Psychotherapy  wa in loo sameeyo qofka la talin caafimaad oo laga dhageysto waxyaabaha walwalka iyo walaaca ku keenayo kadibna fikradahaasi dadban loogu badalo fikrado togan lana fahansiiyo in ay tahy wax laga bixi karo

Nooca labaad ay daaweynta wa in la siiyo daawooyin yareenayo walaaca badan waxaana la siinayaa nooca loo yaqaano selective serotonin reuptake inhibitor.

 

 

Post a Comment

0 Comments